Lämna sidan close

Tusmada:

  • Aad Ayaan ugu faraxsanahay inaad na heshay
  • Ma jeceshahay inaad nala hadasho?
  • Qofka Taageerada
  • Maxay ka dhiganyihiin cis iyo trans?
  • Taageerada iyo macluumaadka luuqadaha kale

Aad Ayaan ugu faraxsanahay inaad na heshay!

Adeegyadeenna waxaa loogu talagalay gabdhaha (cis ama trans) ama dadka dhallinyarada ah ee tran-ka ah (iyadoo aan loo eegin jinsigooda aqoonsiga/aan ahayn jinsigooda) da’da 10 illaa 25 sano jir. Laakiin kuwiinna ka weyn ama ka yar waa lagu soo dhaweynayaa inaad sidoo kale nala soo xiriirtaan. 

Waad ka hadli kartaa waxkasta oo jira. Laga yaabee inaad faraxsan tahay, murugaysan tahay, xanaaqsan tahay ama aad wareersan tahay? Mise waxaa laga yaabaa inaad la kulantay wax uun xun? Ma jiraan wax aad u weyn ama aad u yar. Waxaan awoodnaa inaan taageero kugu siinno iswiidhish iyo ingiriisi.

Annaga ka shaqayna khadka taleefanka waxaan nahay gabdho (cis ama trans) iyo dhalinyaro trans ah, waxaana halkaan u joognaa inaan idin dhageysano oo aan si dhab ah idinla qaadano. Marka ugu horeysa, sababtoo ah waxaan rabnaa inaan samayno iyo sababtoo ah waxaan ognahay inaad dareemi karto wanaag markaad la hadasho qof mararka qaar. Waad nala sheekaysan kartaa, iimeel ayaad noo soo diri kartaa ama waxaad ballansan kartaa kulan shaqsiyeed. Waad isqarin kartaa hadaad rabto, wax walba oo aad anaga na dhahdidana inaga bas ayuu u dhexayn doonaa.

Waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan waxa cis iyo trans ay yihiin xaga hoose ee boggan.

Ma jeceshahay inaad nala hadasho? 

Meel kasta oo aad kaga nooshahay Iswiidhan, waad nala hadli kartaa gebi ahaanba adiga oo qarinaya magacaaga qaab wada sheekaysi ama iimeel noo soo dir. Waxaad sidoo kale ballansan kartaa kulan shaqsiyeed ama waxaad na weydiisan kartaa sidii aan kuu magacaabi lahayn qof ku taageera. Qof kasta oo khadka ku jira waxaa saaran waajib sir qarin ah.

Wada sheekaysigu wuxuu furanyahay

Talaadada, 18-20
Khamiista, 19-21
Axada, 19-21

Guji astaanta ku taala dhanka hoose ee geeska midigta si aad u bilawdo wada sheekaysiga. Waxaan ku sheekeysanaa Iswiidhish.

Iimeel u dir
jour@uppsalattj.se

Hadafkeenu waa inaan ugu jawaabno iimeelada iswiidhish iyo ingiriis 48 saacadood gudahood.

Hadii aad jeceshahay inaad si shakhsi ah noola kulanto, waad nasoo wici kartaa waxaadna qabsan kartaa ballan. Wac iskuduwayaasha shaqaalaheena; faahfaahinta meesha lagala xiriiri karo waxay ku yaalliin salka hoose ee bogga hore. Kulanka waxaa lagu qaban karaa iswiidhish ama ingiriis.

Qofka Taageerada

Miyaad gudbinaysaa warbixin booliis, la hadlaysaa la-taliyaha iskuulkaaga, baaritaan lagugu samaynayaa rugta caafimaadka dhalinyarada ama laga yaabee inaad kulan la yeelato adeegyada bulshada? Ma jeclaan lahayd inuu ku weheliyo shakhsiga taageerada ah?

Waan kuu raaci karnaa meel kasta, inta aad joogto gobolka Uppsala. La xiriir isuduwayaasha shaqaalaheena una sheeg goorta aad jeceshahay in midkeen ku raaco. Faahfaahinta meesha lagala xiriiri karo waxay ku yaalliin salka hoose ee bogga hore.

Waxaan kugu siineynaa xiriirka shakhsiyaad taageerayaal Iswiidhish iyo Ingiriis ah.

Maxay ka dhiganyihiin qof jinsiyadiisa la ogyahay iyo qof aan jinsiyadiisu cadayn?

Qof jinsiyadiisu la ogyahay  waa, marka si fudud loo dhigo, qof aan ahayn trans. Si fudud, qof jidhkiisa, jinsigiisa sharci ahaan iyo aqoonsigiisa jinsi ahaaneed ay ku xidhan marka loo eego caadooyinka. Gabar jinsiyadeeda la ogyahay waa gabar ku dhalatay xubinta taranka haweenka, oo loo diiwaangeliyey inay tahay “naag” dadweynaha dhexdiisa, iyaduna isu aragta inay tahay gabar. Wiil jinsiyadiisa la ogyahay  waa wiil ku dhashay xubinta taranka raga, loogana diiwaangeliyey inuu yahay ”nin” dadweynaha dhexdiisa, isaguna isu arko inuu yahay wiil.

Anaga ahaan, qof aan jinsiyadiisu cadayn  waa fikrad ka kooban dhowr aqoonsi oo kaladuwan – aqoonsiga jinsiga labeeb iyo mid aan labeeb ahayn iyo sidoo kale dadka aan aqoonin jinsigooada. Dadka jinsiyadi cadayn ka ah waxay wadaagaan waa in aqoonsigooda jinsiga ama muujinta jinsiga aysan u dhigmin jinsiga sharci ahaaneed ee loo meeleeyay markay dhasheen. Tusaale ahaan, qofku wuxuu ku dhalan karaa xubinta taranka haweenka sidaas darteed waa in loo qoondeeyaa jinsiga sharciga ah ee dumarka markay dhalato, laakiin waxay isu yaqaana wiil. Kani waa nin jinsayadiisu cadayn. Qofka jinsiyadiisu cadayn wuxuu sidoo kale noqon karaa qof ku dhashay xubinta taranka raga oo loo qoondeeyay jinsiga sharciga ah ee lab markuu dhashay, laakiin isu yaqaana inuu yahay gabar. Tani waa gabar jinsiyadeedu cadayn.

Gabdhaha jinsiyadeedu cadayn iyo wiilasha jinsiyadiisu cadaynwaxa badanaa loo yaqaan aqoonsiga jinsiga labeebka. Waxaa kale oo jira dad aan isku aqoon gabar iyo wiil toona ama labadaba; dadkaas oo kale waxaa loo yaqaan labeeb. Waxaa jira dhowr aqoonsi oo kala duwan oo ku dhex jira fikradda labeebka, tusaale ahaan, labo jinsiile ama aan jinsi lahayn Dadka qaarkiis ma rabaan inay naftooda ka qeexaan xagga jinsiga marka laga eego gabi ahaanba, oo sidaas darteed aan jinsi lahayn. Adiga laftaada ayaa go’aaminaya aqoonsigaaga jinsiga oo ma jirto cid kale oo kuu go’aamin karta adiga inaad tahay qof jinsiyadiisu cadayn iyo inkale.

Taageerada iyo macluumaadka luuqadaha kale

Wada-sheekaysiga Saaxiibka khadka tooska ah 
Wada-sheekaysi: Waxay taageertaa luuqado kala duwan oo loogu talagalay caruurta iyo dhalinyarada da’doodu tahay ilaa 25 sano.

Khadka Caawinta ee Ilaalinta Haweenka
Taleefan: Khadka caawinta ee haweenka loo gaystay hanjabaadaha iyo rabshadaha. Helitaanka turjubaano. Waa lacag la’aan wuxuuna furanyahay 24/7.

Femcenter 
Taleefan: Hoyga haweenka oo leh guryo la ilaaliyo iyo taageero luuqado badan oo kala duwan ah.

Terrafem
Taleefan: Hoyga haweenka oo leh guryo la ilaaliyo iyo taageero luuqado badan oo kala duwan ah, o oleh qareen la helayo marka la waco.

Somaya
Iimeel, taleefan: Hoyga haweenka iyo gabdhaha oo leh guryo la ilaaliyo iyo taageero luuqado badan oo kala duwan ah.

Xarunta Sharciga Qaxootiga Iswiidhan
Iimeel, taleefan: La-talin sharci oo bilaash ah oo ku saabsan arimaha magangalyada iyo soo-galootiga ee Iswiidhan.

ERIN — Shabakad Hindise ee Xuquuqda loo Simanyahay
Taleefan: La-talin iyo kaalmo sharci oo loogu tala galay dumarka iyo gabdhaha ajaanibta ah. Taageerada waxaa lagu bixinayaa luuqada ay haweeneydu doorbido.

Adeega Taageerada RFSL
Iimeel, taleefan, shirar: Taageerada khadka tooska ah ee loogu talagalay dadka LGBTQI ee la kulmay xadgudub, hanjabaad iyo rabshad. Latalinta af iswiidhish, ingiriis iyo isbaanish ama turjubaan uu ku weheliyo.

Dadka cusub ee RFSL
Hawlaha, macluumaadka iyo la talinta: Kooxaha maxalliga ah ee loogu tala galay kuwa idinka mid ah ee ah LGBTQI – khaniis, khaniisad, khaniis rag iyo dumar, qof jinsigiisa badalay, queer ama cilladaha galmada oo ku cusub dalka Iswiidhan.

Youmo
Warbixin ku saabsan jirka, xiriirada iyo ladnaanta oo ku qoran af carabi, Dari, Soomaali, Tigrinya, ingiriis iyo iswiidhish fudud.

Lämna sidan snabbt!